Hoggaanka Ahlusunna oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab

Hoggaanka sare ee Maamulkii Ahlusunna Waljameeca ee Gobolada Dhexe ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab, kadib markii hoggaanka Ahlusunna dib ugu laabteen deegaanada Galmudug.

Qoraal soo saaray hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa waxaa uu ku sheegay in ujeedkoodu yahay sidii deegaanada Maamulka Galmudug ay Al-shabaabka ku sugan ugu xoreyn lahaayeen.

Ahlusunna Waljameeca ayuu Macalin Maxamuud sheegay inay yihiin culumo iyo xerba u istaagay xoreynta dhulka Gobolada Dhexe, isla markaana tilmaamay inay diyaar u yihiin la dagaalanka Shabaabka, waa sida uu hadalka u dhigay

“Ahlusunna Waljamaaca waxa ay culumo iyo xerba u istaageen xoreynta dhulka cadawga dhibaateynayo ee Gobolada Dhexe, iyagoo cashar adagna hore ugu dhigey, waxaa ujeedku yahay in aan ummada ka dul qaadno Alshabaab, qof kasta oo dagaalkaa ku dhintana waa shahiid sida alle balan qaaday” ayuu ku yiri Qoraalkiisa Macalinka.

Hadalkan hoggaamiyaha Ahlusunna ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo shalay dagaal xoogan uu deegaanla Bohol ku dhexmaray Ciidamada dowladda, kuwa Galmudug iyo Ciidamo taabacsan Ahlusunna oo dib loo abaabulay.

Dagaalka ayaa geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray, waxaana xusid mudan in maalmihii lasoo dhaafay ay hoggaanka Ahlusunna abaabul dagaal ka wadeen deegaano hoostega Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor