Hoggaamiyihii Ahlusunna Macalin Maxamuud oo ka degay Gaalkacyo iyo ujeedkiisa

Hoggaamiyihii guud ee Culimada Ahlusunna Waljameeca ee Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa gelinkii dambe ee Maanta ka degay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, iyada oo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Macalin Maxamuud oo ka degay Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan iyo Culimo, sida xaqiijiyeen xubno ka tirsan Ururkii Ahlusunna Waljameeca ee Gobolada Dhexe.

Sidoo kale Madaxii Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo xubno la socday ayaa iyaguna duhurnimadii Maanta ka degay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, waxaana faah faahin laga helayaa Ujeedka Madaxdii Ahlusunna.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ujeedka hoggaamiyeyaashii Culimada Ahlusunna Waljameeca ee Gobolada Dhex oo muddooyinkii dambe dibad joog ahaa ay dib ugu laabteen Galmudug uu yahay ka qeyb galka siyaarada Sheekh Yuusuf Direed oo sanad kasta xiligaan oo kale la qabto.

Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir ayaa deegaanada Galmudug isaga tegay Bishii March 2020, kadib dagaal culus oo Magaalada Dhuusamareeb ku dhexmaray Ciidanka Booliska Haramcad iyo kuwii Ahlusunna, waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor