Hoggaamiyeyaasha Wadamada G20 oo War kasoo saaray tallaalka COVID-19

Hoggaamiyeyaasha 20-ka waddan ee ugu dhaqaalaha badan adduunka ayaa ballan-qaadaya Axadda maanta ah si loo hubiyo in si caddaalad ah loogu qaybiyo tallaallada COVID-19, dawooyinka iyo tijaabooyinka adduunka oo dhan, sida ku xusan war-murtiyeed qabyo ah oo ay soo saareen, si loogu  taageero waddamada saboolka ah ee la daalaa dhacaya ka-soo-kabashada cudurka faafa ee coronavirus.

Cudurka ‘COVID-19 ayaa dhaqaalaha adduunka ku tuuray hoos u dhac aad u qoto dheer sannadkan iyadoo loo baahanyahay dadaalo dheeri ah si loo xoojiyo dib-u-soo-kabashada dhaqaale ee 2021, Arrinta ayaana ahayd kuwa ugu sarreeya ee ajandaha Shirkan.

Dhibaatooyinka mataanaha ah ee aafada iyo soo-kabashada aan la hubin ee caalamiga ah ayaa hareeyay maalintii ugu horreysay ee shirkan oo laba maalmood socday kaasoo uu guddoominayay Dalka Sacuudi Carabiya, Islamarkaana ku wareejinaya madaxtinimada G20 Dalka Talyaaniga bisha soo socota.

Boqorka Sacuudi Carabiya Salmaan Bin C/casiis ayaa sheegay “Waxaan ku rajo weynahay horumarka laga sameeyay horumarinta tallaalka, qalabka daaweynta iyo qalabka baaritaanka ee COVID-19, laakiin waa inaan ka shaqeynaa abuurista xaaladaha helitaanka qalabkan oo la awoodi karo oo loo siman yahay dhammaan dadka Dunida oo dhan ayuu ku yiri khudbadiisii ​​furitaanka shirka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media