Hogaamiye Mucaarad Dal oo ku dhawaaqay xabbad Joojin

Afhayeen u hadlay hogaamiyaha xoogaga hubaysan ee mucaaradka Liibiya General Khaliifa Haftar ayaa si rasmi ah u sheegay in ciidamadoodu ay diyaar u yihiin xabad joojin tiirar adag ku taagan iyagoo ixtiraamaya bisha barakaysan ee Ramadaan waa sida uu hadalka u dhigay.

Wararka ka imanaya dalka Liibiya ayaa sheegaya inay jiraan in xoogaga General Xaftar in ay muddooyinkii danbe garab iyo gaashaan ka helayeen militariga Ruushka iyo dawladda Emaraadka taasoo u sahashay inay dagaalo adag la galaan Dawladda caalamku aqoonsan yahay ee Liibiya oo uu hogaamiyo Madaxweyne Al-wifaaq.

Balse General Haftar ayaa xiligan waayay garab badan oo uu ka heli jiray dhinacyadaas taasoo ku timi cadaadis golaha amaanka ee QM ay saareen ruushka iyo Emaraadka iyadoo lagu adkeeyey inay joojiyaan garab siinta dhinacyada Liibiya isku haya si nabad loogu soo dabaalo dalkaasi.

Waxaana la tilmaamay in ciidamadiisu ay la kulmeen guuldarrooyin badan asbuucyadii la soo dhaafay, arintaas oo horseeday inuu ku dhawaaqo xabad joojin maadaama ciidamada Dawladda Liibiya ay ka awood roonaadeen maalmihii u danbeeyey xoogaga mucaaradka ee General Xaftar.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media