Hirshabelle oo ku dhawaaqday in ay joojisay duulimaadyadii Rayidka

Maamulka Hirshabeelle ayaa xalay ku dhawaaqay in ay jiijiyeen duulimaadyadii rayidka ee tegi jiray deegaanadeeda sababo la xiriira fayruska Corona.

Qoraal kasoo baxay maamulka Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in gebi ahaanba la joojiyay duulimaadyadaas rayidka haseyeeshee diyaaradaha sida gar gaarka deg dega ah ee UN-ka ay soo degi karaan arrimahaana looga gol leeyahay ka hortaga fayruska dilaaga ah ee Covid19.

Dowladda fedraalka Soomaaliya ayaa horay ugu dhawaaqday in la joojiyay duuli.aadyadii gudaha iyo caalamiga ahaa ee imaan jiray dalka si looga hortago xanuunka aduunka faraha ba’an ku haya.

Halkaan Ka Akhriso Qoraalka