Hirshabeelle oo soo gabagabeysay doorashada xubnaha Aqalka Sare ku matalayo

Doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare ku matali doono Maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa lagu soo gabogabeeyay magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle.

Labo kursi oo ka harsanaa Xildhaannada Aqalka Sare ku matali doono Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa gelinkii dambe ee maanta lagu doortay magaalada Jowhar, kuwaasi oo kala ah Senator Cali Shacbaan Ibraahim iyo Senator Zamzam Cabdullaahi.

Senator Cali Shacban Ibraahim ayaa helay 62 cod, halka musharaxii la tartamayay ee Cabdulqaadir Xanafi uu isna helay 24 cod. Sidoo kale Senator Zamzam Cabdullaahi ayaa heshay codad gaaraya 77, halka musharaxii la tartamaysay ee Naciimo Ibraahim ay ka heshay 8 cod, waxaana Zamzam ay noqotay mudanihii ugu dambeeyay ee ku guuleysta kursiga 8aad ee Golaha Aqalka Sare.

Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa soo dhameystirtay dhammaan kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad, waxaana sidoo kale jirta in inta badan maamul Goboleedyada kale dalka ay soo doorteen Xildhibaanadii Aqalka Sare ku matali lahaa maamuladooda, taas oo ka dhigan in dhawaan ay soo dhamaan doonto doorashada Xildhibaannada Aqalka Saree ee Baarlamaanka dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor