Hirshabeelle oo shaacisay inay xalineyso cabashooyinkii ka dhashay Doorashada

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ayaa sheegey in uu Beledweyne ku wajahan yahay Madaxweynaha Hirshabeelle, isagoo dhinaca kale sheegay in lala fariisanayo cid walba oo tabasho qabta, si looga gaaro xal waara.

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta dowladdda ayaa sheegay in ujeedka socdaalka uu ku jooga Hiiraan ay tahay mid uu ugu gogol xaarayo socdaalka Madaxweynaha Hirshabeelle oo la filayo in dhamaadka todobaadka uu halkaasi gaaro, waxaana uu intaa ku daray in uu si horudhac ah kulamo ula qaatay qeybaha bulshada Hiiraan ku nool.

“Qofkasta oo cabaneysa waan la fadhiisaneynaa, waxay ka cabaneyso waan ka dhageysaneynaa, waxaana diyaar u nahay inaan xalino tabashooyinka ay bulshada qabaan, si loo helo bulsho wax wada qabsata” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle.

Yuusuf Axmed Hagar ayaa tilmaamay inay qorsheynayaan sidii loo xoojin lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana looga sifeyn lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media