Hirshabeelle oo Maamul cusub u magacaawday Matabaan (Wareegto)

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladdaha hoose ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Macamed Cali Caadle ayaa Maamul cusub u magacaabay degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle.

Maxamed Sheekh Maxamuud (Dhoobeey) ayaa loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Matabaan Hiiraan, kadib Wareegto Maanta oo talaado ah kasoo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed Caadle.

Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Matabaan ayaa loo magacaabay Ducaale Aadan Cabdi, waxaana labadan Guddoomiye ee la magacaabay bedelayaan Guddoomiyeyaashii hore ee degmadaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Caadle ayaa laamaha amniga degmada iyo shacabka Matabaan faray inay la shaqeyaan Mas’uuliyiintaan cusub, iyagoona laga dalbaday labadooda inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.

Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista ee la soo saaray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor