Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ka hadashay Wiilal dhalinyaro ah oo xirtay Fanaanad ay ku buufsaneyd Hiiraan State oo maalin kahor lagu xiray Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ahna Caasimadda Maamulka.
Wasiirka amniga Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa waxaa uu sheegay in laamaha Maamulka ay xireen Lix Wiil oo dhalinyaro ah oo kamid ah dadka deegaanka Jowhar, isla markaana saddex kamid ah dhalinyaradaas lasii daayey.
Wasiir Maxamed Cabdiraxmaan ayaa dhalinyarada la xiray ku eedeeyay inay Jowhar ka wadeen kicin iyo iska horkeen Bulsho iyo Maamulka, ayna ku howlnaayeen abuurida rabshado dhaca, wuxuuna xusay in markii dambe ay sii daayeen saddex kamid ah ragga.
Wuxuu intaas kusii daray Wasiirka in haddii caddeeymo loo helo falalka ay wadeen dhalinyarada weli xiran ay ku wareejin doonaan Garsoorka, si loo maxkamadeeyo, xili Eheladooda ay sheegay in caruurtooda ay u xiran yihiin sifo sharco darro ah.
“Wiilasha la xiray waxay ku howlanayeen kicin dadweyne, abaabul rabashado iyo iska horkeen bulshada iyo maamulka, hadii cadeymo loo helana waxaa lagu wareejinaya garsoorka si loo maxkamadeeyo” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre.
Si kastaba Laamaha amniga Hirshabeelle ayaa xiray Afar dhalinyaro ah oo mid ka mid dhalinyarada lagu soo eedeeyay inuu xirtay Fanaanad ay ku buufsaneyd Hiiraan State, isla markaana kuwa kale ay wax ka ogaayeen arrintaas.