Hirshabeelle oo ka hadashay khasaaraha Dagaalkii ka dhacay deegaanka Ceel-dheere

Dagaal khasaaro geystay oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda, kuwa deegaanka ee macwiiseyda iyo Al-shabaab ayaa waxaa uu gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaanka Ceel-dheere oo hoostaga degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada ayaa waxaa ay ku warrameen in dagaalka uu markii hore ka bilowday weerar dagaalamayaasha Al-shabaab ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ah.

Dagaalka oo socday saacado xiriir ah ayaa soo gaaray fiidkii xalay, isla markaana waxaa inta uu socday la isku adeegsanayey hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo dhinacyada soo kala gaaray.

Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane oo ku sugan furinta dagaalka oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in Al-shabaab ay khasaaro ku gaarsiiyeen dagaalkii ka dhacay deegaanka Ceel-dheere oo hoostaga degmada Aadan-yabaal.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in Al-Shabaab dagaalkaasi uga dileen ilaa 20-dagaalyahan kuwa kalana uga dhaawaceen, waxa uuna sheegay in ay soo bandhigayaan meydadka xubnaha, waa sida uu hadalka u dhigay Guddoomiyaha Maxaas oo sheegin khasaaraha dhankooda gaaray.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa qorsheenaya duullaan ay ku qabsadaan degmada Aadan-yabaal oo ah Xarunta iyo Saldhiga ugu weyn ee Al-shabaab ku leeyihiin Gobolka  Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor