Hirshabeelle oo gacanta ku dhigtay Maleeshiyaad ka dagaalamay Baladweyne

Maamulka Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay Ciidamo ka tirsan Hirshabeelle iyo kuwa uu watay Sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere ku dhexmaray Magaalada Baladweyne.

War-saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Hiiraan ayaa waxaa lagu sheegay in xalay kolonyo galbineysay Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan, Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Hirshabeelle iyo Saraakiil Ciidan kana yimid degmada Feer-Feer ay rasaas xoogan ku fureen Maleeshiyaad hubeysan oo uu hoggaaminayey Sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere..

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa falka lagu rasaaseeyey Mas’uuliyiinta Gobolka iyo Saraakiisha Ciidanka ku tilmaamay mid arxan darro ah oo lagu doonayay in lagu halis geliyo amniga Baladweyne, isla markaana laga hortegay.

Sidoo kale Qoraalka lagu sheegay in falka dhacay kadib, Ciidanka Booliska Hirshabeelle howlgal ay sameeyeen kusoo qab-qabteen maleeshiyaadkii weerarka dhabba-gal ahaa ku qaaday kolonyada galbineysay Guddoomiye Cali Jeyte iyo hubkii ay wateen raggaas oo ay sheegeen in sharciga la horgeyn doono.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa tacsi u diray dadkii shacabka ahaa ee ku geeriyooday shaqaaqadii ka dhacday Baladweyne, iyagoona Caafimaad u rajeeyay dadkii dhaawacmay oo lagu dabiibayo Isbitaalka Magaalada.

Ugu dambeyn Maamulka Hiiraan ee Hirshabeelle ayaa sheegay inay mas’uuliyad ka saaran tahay ka shaqeynta amniga iyo xasiloonida guud ee Gobalka, isla markaana aysan  cidna laga aqbali doonin khal-khl gelinta Amniga Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor