Hirshabeelle oo faah faahin ka bixisay Qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar

Taliska Ciidanka Booliska Maamulka Hirshabeelle ayaa faah faahio dheeraad ah ka bixiyey qarax xoogan oo barqanimadii Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliyaha Booliska Jowhar ee Hirshabeelle Bashiir Xasan Xalfooy oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in qaraxa dhacay uu ahaa miino lagu dhex qariyey Qasac Koonbo ah oo la dhigay Maqaayad ku taalla xaafadda kulmis ee Jowhar, taas oo shaah laga cabo.

Taliye Xalfooy ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu ku geeriyooday Nabadoon lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Ciise Saleymaan Coosey, halka ay ku dhaawacmeen afar qof oo ay ku jiraan Xildhibaan Cumar Maxamed Cumar Gaabow iyo Yuusuf Cabduqaadir Karaani.

Laamaha amniga ayuu Taliyaha Booliska Jowhar sheegay inay wadaan howlgalo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay falka dhacay, wuxuuna intaas kusii daray inay gacanta kusoo dhigi doonaan, isla markaana sharciga la horgeyn doono.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxii Maanta ka dhacay Jowhar, iyagoona tilmaamay inay ku dhaawaceen Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, iyo Sarkaal Ciidan, sidoo kalena uu ku dhintay mid kamida Ergooyinka Xildhibaanada kasoo xulay dhanka Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.

Magaalada Jowhar ayaa kamid ah Magaalooyinka loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna qaraxa dhacay, xili habeeno kahor Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Garoonka diyaaradaha Jowhar..

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor