Hirshabeelle oo kasoo hor-jeesatay Qoraalkii kasoo baxay Midowga Musharixiinta

Mas’uuliyiin ka tirsan maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa si kulul uga hor yimid hadalkii kasoo yeeray Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya, kaaso ahaa in aysan macquul ahayn in doorasho lagu qabto Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Kusimaha Madaxweynaha ahan Gudoomiye Kuxigeenka 1aad Baarlamaanka Hir-shabeelle Siraaji Sheikh Isaaq oo Weheliyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo Goordhaw Shir jiraadi kuqabtay Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baladweyne ayaa si kulul kaag hadlay arrintaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa sheegay in Midowga Musharaxiinta ay u gafeen Dadka Gobolka Hiiraan, gaar ahaan Bulshada ku nool Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolkaasi, waxaan sidoo kale uu intaasi ku daray in Midowga Musharixiintu ay doonayaan inay doorshada kawareejiyaan Magaalada baladweyne, taasi oo uu tilmamay in ay tahay mid nidaamka baalmarsan sidoo kalena lagu dulminayo shacabka Reer Beledweyne.

Gudoomiye Kuxigeenka 1aad Baarlamaanka Hir-shabeelle Siraaji Sheikh Isaaq ayaa beeniyay Warka Midowga Musharaxiinta asigoo sheegay inay qas iyo fowdo kawadaan Islamarkaan baladweyne Doorsho Lagu qaban karo.

Ugu dambeyntii Siraaji Sheikh Isaaq ayaa sidoo kale ka dalbaday Golaha Midowga Musharaxiinta inay raaligalin ka bixiyaan hadlkoodaas, ay kus hegeen in aan Magaalada Beledweyne aysan ka dhici karin Doorasho.

Hadalka kasoo yeeray Gudoomiye Kuxigeenka 1aad Baarlamaanka Hir-shabeelle Siraaji Sheikh Isaaq ayaa imanaya iyadoo War-saxaafeed ay xalay soo saareen Golaha Midowga Mushariixnta Madaxweynaha Soomaliya ay ku sheegeen in aan doorsho an Lagu qaban karin Sababo la xiriiro Amaanka iyo buuq kajiro.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor