Heshiis ku saabsan hanaanka saami qeybsiga wax soo saarka dalka oo la ansixiyay

Guddiga Wasaaradaha ee u xilsaaran kasoo talo bixinta iyo isla go’aaminta arrimaha kheyraadka dalka ayaa si wadajir ah u ansixiyay heshiis ku saabsan hanaanka saami qeybsiga wax soo saarka dalka.

Wasiirka Wasaaradda Badtoolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa tallaabo muhiim ah ku tilmaamay heshiiskan.

“Waa talaabo muhiim ah oo hubaashii  kaalin ka ciyaareysa dadaaladeena aan ku sahmineyno ugana faa’iideysaneyno kheeyraadkeena, si aan ugu faa’iideyno Qarankeena,” ayuu yiri wasiirka badroolka iyo Macdanta XFS Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Soomaaliya ayaa hadda isu diyaarisay in ay ka faaa’iidaysato kheyraadkeeda dabiiciga oo noocyo kala duwan leh, waxayna Dowladda Federaalka ku howlan tahay in aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba la fahmo loona diyaar garoobo qaabka loo soo saarayo kheyraadka dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor