Hay’adda Caafimaadka adduunka oo baaq kasoo saartay dib u furista duulimaadyada Afrika

Ha’yadda Caafimaadka Adduunk ayaa ugu baaqday dalalka Afrika inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan xilli dalal kala duwan oo ka tirsan qaaraadda ay dib u fureen duulimaadyada.

WHO waxay sheegtay ‘waa in si dhab ah loo raaca talooyinka caafimaad ee looga hortaggayo fiditaanka Feyraska Corona’

Waxay ha’yadda ka codsatay in shirkadaha diyaaradaha ay la socdaan xaaladda rakaabka si loo xakameeyo safmarka.

Madaxa Ha’yadda Caafimaadka u qaabilsan gobolka Dr Matshidiso Moeti waxay sheegtay “in duulimaadyadu ay muhiiim u yihiin dhaqaalaha balse loo baahan yahay dhaqan celinta tallaaboyinka ka hortagga cudurka.

Waxay ha’yaddu sidoo kale ka codsatay saraakiisha garoomada diyaaradaha inay xaqiijiyaan kala fogaanshaha dadka iyo in ay adeegsadaan dareeraha dila jeermiska.

WHO waxay sheegtay in dalalka Cameroon, Equatorial Guinea, Tanzania iyo Zambia ay horey u bilaabeen duliimaadyooda.

Soomaaliya waxay shaacisay in Axadda nagu soo aadan in si rasmi ah loo bilaabayo duulimaadyada gudaha dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media