Madaxa hay’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO) ayaa ku baaqay midnimo, xilli ay hay`addu cambaareyn joogto ah kala kulmeyso Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Mar uu shalay qabtay shir jaraa’id, Agaasimaha Guud ee WHOS, Tedros Adhanom Ghebreyesus, wuxuu difaacay shaqada WHO wuxuuna ku baaqay in la soo afjaro siyaasadeynta fayraska Covid-19.
Mr Trump ayaa sheegay inuu ka fekeri doono in Mareykanka uu jaro dhaqaalaha uu siiyo hay`adda.
Wuxuu ku eedeeyay WHO inay “la safan yihiin Shiinaha”, wuxuuna sheegay in hay`addu ay ka gaabisay waxqabadkeeda xanuunka safmarka ah.
Dr Tedros ayaa beeniyay hadalka madaxweynaha, wuxuuna sheegay inay u dhow yihiin dal walba oo aysan cidna gaar u xigsan.
Weerarkii ugu horreeyay ee uu ku qaaday WHO, Madaxweyne Trump ayaa soo cusbooneysiiyay cambaareyntiisa, wuxuuna ku sheegay in ururka uu kala garto waxyaabaha uu mudnaanta siinayo. Wuxuu sheegay in Mareykanka uu sameyn doono qiimeyn uu ku go`aansan doono joojinta dhaqaalaha uu siiyo hay`adda.
Dhanka kale, Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ooka jawaabayay su`aalo laga weydiiyay shirka, wuxuu sheegay in maamulkiisa uu qiimeyn ku sameynayo dhaqaalaha uu siiyo WHO, isagoo intaas ku daray; “Ururradu waa inay shaqeeyaan. Waa inay la yimaadaan natiijada waxyaabihii laga doonayay”.
Fayraska Covid-19 waxaa markii ugu horeysay, bishii December laga helay magaalada Wuhan ee ku taalla Shiinaha, taas oo la geliyay 11 isbuuc oo bandow ah.
La taliyaha madaxa WHO ayaa hore u sheegay in wada shaqeynta dhow ee ay la leeyihiin Shiinaha ay muhiim u tahay fahamka marxaladaha hore ee cudurka.
Weerarka Trump ee WHO ayaa imaanaya xilli lagu cambaareynayo sida uu maamulkiisu u xakameynayo xanuunka safmarka ah ee coronavirus.
Muxuu yiri madaxa WHO?
“Fadlan, hala muujiyo midnimo heer qaran ah, yaan la adeegsanin Covid-19 amaba dano siyaasadeed,” Dr Tedros ayaa sidaas yiri. “Tan labaad, isku duubni daacad ah oo heer caalami ah, iyo hoggaan daacad ah oo Mareykanka iyo Shiinaha ah.
“Kan ugu awoodda badan waa inuu hoggaanka qabto, fadlan karantiila siyaasadeynta Covid-19,” ayuu ku codsaday, hadal uu jeediyay oo loo arkay inuu jawaab u yahay eedeynta Trump, oo Talaadadii sheegay in WHO ay u muuqato “mid aad ugu janjeerta dhanka Shiinaha”.
Mareykanka waa mid ka mid ah maalgeliyeyaasha ugu weyn ee hay`adda, iyadoo xogta WHO ay sheegeyso in 15% ay dakhligeeda guud ka hesho Mareykanka.
Arbacadii Dr Tedros ayaan waxba ka soo qaadin hanjabaadda dhaqaale, isagoo sheegay inuu rumeysan yahay in maalgelinta Mareykanka ay sii socon doonto.
Xoghayaha Guud ee QM, António Guterres ayaa hore u difaacay hay’adda. Wuxuu dillaacitaanka xanuunka Covid-19 ku sheegay mid aan caadi ahayn, isla markaana qiimeyn walba oo ku saabsan sida loola tacaalay ay tahay arrin u taalla mustaqbalka.
“Haatan waa xilligii midowga, oo ay beesha caalamku si wada jir ah uga shaqeyn lahaayeen joojinta fayraska iyo cawaaqib xumadiisa,” ayuu yiri.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sidoo kale la sheegay inuu taageero u muujiyay WHO, oo uu shalay la hadlay Dr Tedros. “Wuxuu u xaqiijiyay sida uu ugu kalsoon yahay, iyo taageerada uu u haayo ururka wuxuuna diiday inuu u arko dagaal u dhaxeeya Shiinaha iyo Mareykanka,” ayuu yiri sarkaal u hadlay madaxweynaha.