Hay’adaha amniga Dowlad Deegaanka oo Gaadiid lagu wareejiyay

Hay’addaha amniga dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Maanta oo sabti ah waxa lagu wareejiyay 40 gaadiid.

150 gaadiidka kala duwan ah oo ay Dowlad deeganka Soomaalida  dalbatay ayaa haatan waxaa soo gaaray 99 oo keli ah iyadoo in ta harsan la soo dhameystiri doono.

Gawaaridhaan oo ah intooda badan kuwa fudud ee shaqooyinka dowladda ayaa waxaa ku baxday lacag gaadhaysa 426 Milyan oo Birr sida uu sheegay Wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Madaxweynaha dowlad deeganka soomaalida.

Baaburtan ayaa wax badan ka bedeli doona ammniga deeganka iyo dhaqdhaqaaqa ciidanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor