Hawlgalo amniga lagu sugayo oo laga sameeyey Deegaano hoos yimaada Degmada Afgooye

Taliyaha Ururka 64-aad laba Xiddigle Cali Cabdullaahi Halac iyo Taliyaha Ururka 35-aad ee Guutada 7-aad Dhamme Ganey Caga-dadab oo uu wehliyo Guddoomiyaha Degmadda Wala-weyn ayaa safar kormeer shaqo ah waxay ku soo mareen deegaanada u dhexeeya Afgooye iyo wala-weyn ee gobolka Shabeelada hoose.

Ujeedka Kormeerka ayaa ahaa u kuur gelida xaaladaha amni ee deegaanadaasi.

Dadweynaha ku nool Deegaamadaaa ayaa soo dhaweyn diirran ku qaabilay Waftiga intii ay ku guda jireen Safarkooda shaqo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor