Haweenka Afghanistan oo dibadbaxyo ka dhigay Kabul

Koox haween ah ayaa socod ku dhex maray caasimadda Afghanistan ee Kabul iyagoo dalbanaya in la soo afjaro wax ay ku sheegeen dilka iyo jirdilka ay Taalibaanku kula kacayaan askarta iyo shaqaalihii hore ee rayidka.

Ku dhawaad konton haween ah oo isku aruursaday masaajid magaalada dhexdeeda ku yaal ayaa ku qaylinayey “caddaalad” ka hor inta aanay hor istaagin xoogagga Taalibaanku.

Mid ka mid ah haweenka ayaa ugu baaqday Taliban inay joojiyaan waxa ay ugu yeertay mashiinka dambiilayaasha.

Waxay sheegtay in ballan-qaadkii kooxda ee ahaa cafiska guud uu noqday mid aan waxba ka jirin oo been ah.

Taalibaan ayaa isku dayday in ay saxafiyiinta ka hor istaagto in ay tabiyaan mudaharaadkii haweenka iyaga oo xiray sawir qaadayaasha kana tirtiray muuqaalada kamaradooda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor