Haweeney Soomaali ah oo laga soo masaafurin doono Denmark & sababta

Xafsa Mole oo 25-jir ayaa loo sheegay in dalkaasi laga masaafurin doono bilowga bisha soo socota ee August, sida lagu sheegay qoraal ay Waaxda Socdaalka ee dalkaasi soo saartay bishan July 7-dii.

Qoraalka oo si toos ah loogu diray Haweeneydaasi waxaa loogu sheegay in Somalia Nabad tahay, loona masaafurin doono muddo 30 maalmood gudaheeda.

Xafsa Mole oo muddo 5 sano iyo bar ku noolayd Degmadda Kerteminde oo ku taalla Bartamaha dalkaasi waxay ku guul-daraystay in Deganaanshaheeda loo cusbooneysiiyo sanadkan, iyadoo haatan ka cabsi qabta inay Boliska gurigeeda soo garaacaan, kadib la soo masaafuriyo.

Qareen ayaa loo qabtay, balse, waxay sheegtay inaysan aqoonin waxa ay samayn doonto marka la gaaro bisha August  8-da.

Kadib, muddo ka badan 5 sano oo ay ku noolayd dalkaasi waxay baratay Luqadda Danishka, waxay yeelatay saaxiibo badan, weyna shaqeysnaysay, iyadoo haatan dhamaysanayo Tababar hal sano socday oo lagu barayey Kaaliyaha Bulshadda iyo Caafimaadka.

Xafsa Mole oo uu Mukhalas horey u keenay Europe, waxay isku soo martay dalal badan oo aysan aqoonin, ilaa ugu dambeyntii ay soo gaartay dalka Denmark bartamihii bishii October ee sanadkii 2014-kii.

Ma kala cadda in laga soo tarxiili doono Denmark maalmo kadib, marka la gaaro bisha August 8-da.

Dhinaca kale, Dowladda Denmark waxay horey u sheegtay in Muhaajiriinta ka soo kala jeeda dalalaka Somalia iyo Syria ee aan haysanin Oggolaanshaha Deganaanshaha dalkaasi dib loogu celinayo dalalkooda, maadama ay Nabad ka jirto.

Sanadkii 2018-kii, Boqolaal Soomaali ku nool Denmark ayaa lagala laabtay Oggolaanshahii Deganaanshaha, iyadoo qaar ka mid ah ku guuleysteen inay sii joogaan dalkaasi, sida laga soo xigtay Golaha Qaxootiga Denmark ee Danish Refugee Council.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor