Haweenaydii labaad oo loo doortay kursi ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed oo ay ka socoto doorashada xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ku matalaya maamulkaas ayaa waxaa lagu doortay kursigii labaad.

Kursiga labaad ee Aqalka Sare ee ay doorashadiisa ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku tartamay Ayaan Aadan Cabdullaahi & Farxiyo Nuur Aadan, waana kusiga labaad ee laga soo doortay Koonfur Galbeed.

Ayaan Aadan Cabdullaahi oo noqotay xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ayaa ku guuleystay 79 cod halka ay Farxiyo Nuur oo la tartameysay ay heshay 8 cod.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor