Halkeey Daalibaan ka heshaa hubka casriga ah ee ay haysato?

Muuqaal dhawaan lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dagaalyahannada Daalibaan oo u muuqda inay yihiin astaanta xayaysiis ooo qalabka Mareykanka, gaar ahaan (qalabka milatariga) – helicopterka nooca loo loo yaqaan Black Hawk – ayaa ka kacaysay gegida dayuuradaha ee Kandahar.

Diyaaradda oo afar af leh ka sii kacaysay barta diyaaraduhu ka haadaan ee garoonkaas, oo ahayd hab dhoollatus ah, waxa ay dunida u dirtay farriin ah: in Taalibaan aanay keliya ahayn koox askar ah oo sita qoryaha darandooriga u dhaca ee Kalashnikov oo saaran baabuur kuwa xamuulka ah.

Meel kale, tan iyo markii Kabul laga tuuray 15-kii Ogosto kooxda Islaamiga ah ee mayalka adag, dagaalyahannada Daalibaan waxaa lagu sawiray iyagoo muujinaya hub fara badan iyo gaadiid dagaal oo Mareykanku sameeyay.

Qaarkood ayaa lagu arkay iyagoo wata qalab dagaal oo dhammeystiran baraha bulshada mana la kala sooci karo ciidammada kale ee gaarka ah ee ka kala yimid daafaha dunida. Ma jirin wax gadh dheer ah, iyo hubaal hub daxalaystay sidii laga fili kareyey jabhad duurka ku jirtay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor