Halkee ayuu  Marayaa hannaanka deyn cafinta Soomaaliya?

Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa daah furay toddobaadkii dheeraa’ ee shirka dib-u-eegista wixii ka qabsoomay Barnaamijka (ECF) ee hanaanka deyn_Cafinta Soomaaliya.

“Muddada Todobaadka ah ee uu socdo shirka IMF/Bangiga Adduunka waxa aan diiradda ku saareynaa saameynta Covid-19 ee dhaqaalaha Soomaaliya iyo qaabkii wax looga qaban lahaa, sidoo kale waxa aan si wadajir ah dib ugu eegeynaa dhameystirka shuruudihii ugu dambeeyay ee hanaanka deyn Cafinta” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiir Beyle ayaa tallaabadani ku tilmaamay fursad weyn oo u ogolaaneysa in aan Adduunka kala doodno fursadaha horumarineed ee Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor