Halkee ayey Saldhigteen Ciidankii Ahlusunna ee isaga baxay Magaalada Guriceel?

Ciidankii Ahlusunna Waljaamaca ee saakay gebi ahaan isaga baxay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa barqadii Maanta gaaray degaanka Bohol oo dhinaca Waqooyi Galbeed uga beegan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Dad ayaa soo weriyey Ciidanka Ahlusunna ay fariisimo ka sameeysteen degaanka Bohol oo markii horey iska soo abaabushay Ahlusunna, waxaana halkaas ay geeyeen gaadiidkoodii dagaal oo ay wateen, kuwaasi oo kala soo baxeen Guriceel oo todobaadyo ay ku sugnaayeen.

Ciidanka Ahlusunna ayaa mar qura waaberigii hore ee saaka isaga baxay Guriceel oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka dhacayay dagaal qaraar oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Waljaamaaca.

Ciidamada dowladda ayaa gebi ahaan la wareegay gacan ku heynta Guriceel, sida uu sheegay Guddoomiyaha degmadaas Anas Cabdi Macalin oo la hadlay warbaahinta, isagoona ku dhawaaqay in lasoo afjaray howlgalkii ka socday Magaalada.

Dagaalo socday afartii maalin ee lasoo dhaafay ayaa ka dhacay Magaalada Guriceel, isla markaana waxaa dagaalada la isku adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaaro lixaad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray dhinacyada.

Inta la xaqiijiyay 70 ruux oo isugu jiray Askar, Saraakiil Ciidan iyo dad shacab ah ayaa ku geeriyooday dagaaladii dhacayay maalmihii lasoo dhaafay, halka afartameeyo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la geeyay Isbitaalo ku kala yaalla Dhuusamareeb iyo degaano kale oo ku dhow Guriceel.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor