Hal qof oo ugu dhiman kara macaluul 48 il-bidhiqsi kasta dalalka Geeska Afrika (Warbixin)

Hal qof ayaa ugu dhiman kara macaluul 48 il-bidhiqsi oo kasta waddamada ay abaaruhu halakeeyeen ee Etoobiya, Kiiniya iyo Soomaaliya, sida ay xustay warbixin ka waramaysa sida ay dunidu uga gaabisay masiibooyinkan laga hor-tagi karayay oo ay manta soo saareen haayadaha Oxfam iyo Save the Children.

In ka badan toban sanno oo laga joogo macaluushii 2011 kii Somalia ku dishay in ka badan 260,000 oo qof –Kala badh waxay ahaayeen caruur- dunidu waxay mar labaad ku guul daraysatay in ay ka hor- tagto macaluul baahsan oo ku soo wajahan Bariga Afrika. Ku dhawaad nus malyuun qof oo ku kala nool qaybo ka mida Somalia iyo Etoobiya ayaa wajahaya xaalad u dhaw macaluul daran. Dhanka kale, Kiiniya, 3.5. milyan oo qof ayaa la taabalaysan gaajo. Codsiyo degdega oo la diray ayaa keenay waxooga gargaara, iyadoo ay dunida ka taagan yihiin masiibooyin kale, sida dagaalka Yukrayn, oo xaaladda sii adkeeyay.

Dadka ku nool saddexdan waddan ee ku sugan xaalad daran oo macalluul ah ayaa laba jibaarmay sannadkii u danbeeyay – waxay kordheen 10 milyan ilaa 23 milyan. Tan waxa ku lammaan culayska daynta ee waddamadan oo saddex jibaarantay toban kii sanno ee u danbeeyay – $20.7 bilyan ayay ahayd sannadkii 2012, waxay noqotay $65.3 bilyan sannadkii 2020- dhulkana la gashay khayraadkii dalalkan, iyo weliba addeeggii iyo daryeelkii bulshada.

Warbixita, Khatarta Dibu dhaca (gargaarka): Qiimaha wax-qabad la’aanta, oo lala kaashaday Jameel Observatory waxay darsaysaa is beddelka hannaanka gargaarka bani-aadamnimo ee ilaa 2011 kii. Warbixintani waxay daaha ka faydday – inkastoo uu kordhay gargaarku markii abaarta darani ku dhufatay bariga Afrika, sannadkii 2017- in haddana gargaarkii guud ee dalalka dunidu bixinayeen aad u hooseeyay, kumana filnayn inuu baajiyo macaluushan maanta taagan.

“ In kasta oo xaaladda sii xumaanaysay marba marka ka danbaysa, hogaamiyayaasha dunidu ugamay jawaabin si waafi ah – gaargaar aad u yar iyo weliba dib u dhac ayaa jiray.- tan oo ku sababtay malaayiin qof inay wajahaan masiibo cunno yari ah. Macaluushani waa guul darro siyaasadeed”. Sidaa waxa yidhi Gabrieall Bucher, oo ah Agaasimaha Guud ee Haayadda Oxfam. Siyaasadaha ku salaysan danaha iyo isla-meeraysiga goaan gaadhista ayaa hoos u dhigay gargaarka, in kasta oo nidaam degniinaha hor-dhaca ah ee haayadaha maxalliga ah la horumariyay.

Waddamada Kooxda 7 da ah (G7) iyo waddamada kale ee qaniga ahiba waxay indhaha hoos ugu jeediyeen gargaarka caalamiga ah sida ,caabuqa COVID-19 iyo weliba dagaalka Yukrayn, iyagoo dib uga laabtay ballanqaadyo gar-gaar oo ay sameeyeen iyo inay cagaha u geliyeen waddamada faqiirka ah daymo musalafin kara.

Waddamada geeska Afrika ayaa ku qasban inay tunka u ritaan masuuliyaddooda, maadaama oo uu dib u dhacay gargaarka isla markaana caalamku aanu qirin xajmiga dhibaatada ku soo socota waddamadan faqiirka ah.

Waddamadani may helin maal gelin ku filan oo daboola wax soo saarka beeraha iyo nidaamada bedqabka bulshada si ay bulshadu awood ugu yeelato in ay la tacaasho gaajada, dhaqaale burburka iyo isbedelka cimilada.

Warbixintani waxay tooshka ku ifinaysaa sida ay deeq bixiyayaasha iyo haayada gargaarku ugu guul daraysteen inay mudnaanta siiyaan ururada maxaliga ah ee safka hore kaga jira gargaarka bani-aadamnimo, tani waxay hoos usii dhigtay gargaarkii la gaadhsiin lahaa dadka baahan.

Abaaraha iyo colaado is biirsaday ayaa ku qasbay dadka iyo ka qaxaan guryahooda. Dhaqaale xumo ka dhalatay caabuqa COVID-19 ayaa wiiqay awooddii ay dadku kusoo kaban lahaayeen, sidoo kalena waxay sababtay in qiimaha maciishadu gaadho halkii ugu saraysay.

Af-hayeen goboleedka Save the Children ee Bariga iyo Badhtamaha Africa, Shako Kijala, ayaa yidhi:

“Waxa aanu la kulannay xaalado nafaqo darro oo aad u xun oo saamaysay 5.7 milyan oo caruur ah, 1.7 milyan oo ka mid ahi waxay wajahayaan nafaqo darro heerkii ugu danbaysay. Qaramada midoobay waxay ka digaysaa in 350,000 ay dhiman karaan haddii aan gargaar lala soo gaadhin. Waqtigu wuu soconayaa, daqiiqad kasta oo inna dhaaftaana waxay inagu sii dhawaynaynsaa macalluul iyo in caruur badani le’daan. Sideed ula noolaanaysaa, haddii aad adigu ogalaatay in sidani dhacdo”

Jane Meriwas, Agaasimaha haayadda Samburu Women Trust oo ka dhisan Kenya, ayaa tidhi:

“Xaaladdu way sii xumaanaysaa, dadka iyo xooluhuba waxay khatar ugu jiraan inay dhintaan. Durtaba caruur iyo dumar uur leh oo ku noolaa qaybo ka mida Marsabit iyo Samburu ayaa lagu soo waramayaa inay le’deen. Haddii aan gargaar degdeg ah lasoo gaadhsiin, waxaynu arki doonaa dhimasho badan”

Is beddelka cimilada ayaa sii adkeeyay abaaraha ay sababtay masiibada La Nina ee Bariga Afrika, oo xaaladda ka dhigtay tii ugu xumayd 40 kii sanno ee lasoo dhaafay. Abaartu waxay baabisay kaydadkii dhaqaale, xoolihii iyo weliba caafimaadkii dadka, iyadoo sababtay in dad tiro badani aanay haysan waxay cunaan. Dhanka kale gobolku waa ka ugu hooseeya waddamada sii daaya wasakhda hawada (CO2), waxaanu sii daaya 0.1% kaarboonka hawada wisikheeya.

“Lo’dii way dhamaatay, waxa noo hadhay waxoogay geel iyo riyo ah oo ka badbaaday abaarta, waxaanu ka cabsanaynaa in Iyana baxaan haddii abaartu sii socoto. Waxa suuro gal ah in dadku u dhintaan gaajo maadaamu aanaan haysan cunto” Waxa yidhi Ahmed Mohamud, Xoolo dhaqato deggan Wajir, Kenya.

Keliya boqolkiiba laba ($93.1 million) ka mid yabooha qaramada midoobay ($4.4bn) ee abaaraha Kiiniya, Itoobiya iyo Soomaalia ayaa la helay. Sannad kii 2017, waddamadani waxay heleen deeq dhan $1.9 Bilyaar oo gargaar ah. In kasta oo deeq bixiyayaashu ku yabooheen

$1.4 bilyaar bishii hore, waxa wax laga xishoodo ah in keliya $337.5 ay ahayd qaadhaan cusub.

“Dadku waxay u dhimanayaan maaha inaan dunida cunno ama lacagi oolin, waxa aan jirin rabitaan siyaasi ah. Waddamada qaniga ahi waxay ku yabooheen qaadhaan dhan $16 Bilyaar si ay wax uga qabtaan masiibooyinka ka dhashay dagaalka Yukrayn. Waxay ay sidoo kale ku kabeen dhaqaalahooda in ka badan $16 Tilyaar si ay uga soo kabtaan caabuqa COVID-19. Waddamadu way ururin karaan dhaqaale, laakiin waa cidday rabaan uun” ayay tidhi Bucher.

“Deeq bixiyayaasha, haayadaha iyo dawladaha iyo ganacsatadu waa inay ka wada shaqeeyaan sidii ay uga jawaabi lahaayeen masiibooyinka, intii ay sugu lahayaane inta masiibadu faraha ka baxayso” ayuu yidhi Roba, Madaxa Jameel Observatory.

Oxfam iyo Save the Children waxay si wada jira ku baaqaayaan in si degdeg ah wax looga qabto macaluulsha daran ee Bariga Africa:

 

  • In la badbaadiyo nafaha, waddamada G7 iyo hogaamiyayaasha reer galbeedku waa inay si dhaqso ah ugu dhawaaqaan lacag, si loo daboolo yaboohii qaramada midoobay ($4.4 Bilyaar) ee Kiiniya, Itoobiya iyo Soomaaliya, isla markaana aanay wax shuruud ah ku xidhin lacagta si loogu caawiyo kuwa meelaha ugu liita.
  • Deeq bixiyaashu waa inay ballan qaadaan in ugu yaraan 25% qaadhaanku uu gaadho ururada maxalliga ah ee safka hore kaga jira gargaarka.
  • Dawladaha Kiiniya, Itoobiya iyo Soomaaliya waa inay kor u qaadaan gargaarka dadka si loo yareeyo Waa in ay ugu yaraan u qoondeeyaan 10% miisaaniyadooda inay ku maalgeliyaan beeraha, iyagoo muhiimmada siinaya beeralayda yaryar khaasatan dumarka, sida uu dhigayo heshiiska Afrika ee Malabo ee 2014 kii.
  • Dawladaha Bariga Afrika waa inay ka horumariyaan nolosha dadka, danaha siyaasiga ah. Waa inay sida ugu dhakhsaha badan ugu dhawaaqaan xaalad bani-aadamnimo isla markaana mudnaanta la siiyo dadka ugu nugul.
  • Waddamada qaniga ah ee sii daaya qiiqa faraha badani waa inay mag-dhaw ka siiyaan waddamada Bariga Afrika dhibaatada kasoo gaadhay is beddelka cimilada. Sidoo kalena waa inay ka dhaafaan daymihii 2021-2022 si ay u helaan dhaqaale u ku caawiyaan dadkooda, ugana hor tagaan masiibooyinka.

In si dhakhso ah looga jawaabo macaluusha keliya ma badbaadiso nafaha, waxay sidoo kale ha hor tagtaa burbur dhaqaale. Haayadda mucaawinooyinka Maraykanka ee USAID waxay ku qiyaastay halkii dollar ee kasta ee lagu maal geliyo gargaarka degdega ah uu badbaadinayo saddex doolar oo kale, haddii laga hor tago in xooluhu le’daan.

Xogo dheeraada ayaad ka heli kaartaa lifaaqyadan hoose:

  • Soo dejiso “Dib u dhac Khatar ah: Qiimaha Dayaca” ugu dambeeyay
  • “Dib u dhac Khatar ah: Qiimaha ka jawaabista daahitaanka digniinaha hore ee abaartii 2011 ee Geeska Afrika” warbixin la daabacay 2012 ayaa laga heli karaa halkan
  • Si loo xisaabiyo dhimashada maalinlaha ah, waxaan isticmaalnay heerka dhimashada cayriin, taasoo ah (0.5-0.99) 10,000kii qof ee ku jira IPC3 ee haqab-beelka cuntada sida lagu qeexay Soocidda Wajiga Sugnaanta Cunnada (IPC) Global Partners (2021), sida ku cad Farsamada Nooca Buugga 3.1: Caddaynta iyo Heerarka Haqab-beelka Cuntada iyo Go’aamada Nafaqada ee Wanaagsan. Kadib, waxaanu ka jarnay heerka dhimashada caadiga ah ee maalinlaha ah ee 0.22 10,000 qofba maalintii; Tiradani waxay ku salaysan tahay xogta UN iyo xafiisyada qaranka, EU, iyo Pacific Community statistics.
  • Saddexda waddan oo dhan, heerka dhimashadu waa ugu yaraan 627-1,802 maalintii, 0.44-1.25 daqiiqaddii, tusaale ahaan, inta u dhaxaysa hal daqiiqad kasta 2.5 iyo hal 48 ilbiriqsi kasta. Tirooyinkani waa muxaafid, maadaama ay ku saleysan yihiin heerka dhimashada cayriin ee IPC 3, oo aan xisaabta ku darin heerarka sare ee dhimashada cayriin ee IPC 4 iyo 5.
  • Marka loo eego IPC (eeg Qalabka Dabagalka Dadweynaha ee IPC, https://www.ipcinfo.org/ipc-country-analytics/population-tracking-tool/en/) iyo Kooxda Shaqada Badbaadada Cuntada iyo Nafaqada ee FAO-ICAC, 22.4 – 23.4m qof oo ku nool Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa wajihi doona heerar aad u sarreeya oo gaajo ba’an ah (IPC3 iyo in ka badan), oo ay ku jiraan ku dhawaad nus milyan xaalad macaluul la mid ah. Tan waxaa ku jira: 7.4 milyan oo qof oo ku nool Itoobiya oo dhan (sida ku cad saadaasha Luulyo-Sebtembar 2021) – oo ay ku jiraan in ka badan 400,000 oo ku nool xaalado macluusha u eeg (IPC 5); 5.5-6.5 milyan oo qof oo ku nool Koonfur Bari Itoobiya (qiyaastii Abriil 2022), 3.5 milyan oo qof oo ka yimid Kenya (Saadaasha Maarso-June 2022); iyo 6 milyan oo qof ayaa ka yimid Soomaaliya, oo ay ku jiraan 81,100 IPC5 (saadaasha Abriil-June 2022).
  • Tirooyinka gaajada ee 2011 waxay ku salaysan yihiin warbixinta UNOCHA 4 June

 

  • Sida laga soo xigtay FAO, qiimaha cuntada adduunku waxa uu gaadhay heerkii ugu sarreeyey abid bishii March 2022, celcelis ahaan, qiimaha dambiisha cuntada gudaha ayaa kordhay 23 boqolkiiba guud ahaan gobolka Bariga Afrika oo dhan hal sano gudaheed (February 2021/2022). Laakiin Itoobiya iyo Soomaaliya waxay arkeen 66 iyo 36 boqolkiiba kor u kaca
  • dambiisha cuntadoodu waxay u dhaxaysaa Febraayo 2021/2022. Xigasho: FAO’s “Saameynta Colaadda Ukraine ee Helitaanka Cunnada iyo Helitaanka Gobolka Bariga Afrika” update, p.2.
  • Bishii Maarso-June 2021, tirada guud ee dadka ku nool IPC3+ guud ahaan Kenya, Itoobiya, iyo Soomaaliya waxay ahayd 10,183,133, marka loo eego xogta IPC.
  • Xogta isbarbardhigga ee u dhaxaysa macluushii 2011 iyo 2022 waxay muujinaysaa in 9 milyan oo qof oo ku nool Itoobiya, Kenya, iyo Soomaaliya ay soo food saartay gaajo ba’an (IPC 3+), maanta tiradaasi waxay u dhaxaysaa 22.4 iyo 23.4 milyan oo qof, sida ay sheegeen UNOCHA iyo IPC
  • Xiisadda Ukraine waxay ka heshay USA $6.7bn (gargaarka aan militariga ahayn), hindisaha EU Stand for Ukraine wuxuu ka badnaa 10bn euros ilaa maanta.
  • Xaalada degdega ah ee COVID-19, dawladuhu waxay u isticmaaleen miisaaniyada si degdeg ah oo go’aan qaadasho leh. Tan iyo 2020, dalalku waxay ku dhawaaqeen $16 tiriliyan oo ah waxqabadyo maaliyadeed. Xigasho: IMF 2021
  • Beeralayda dunidu waxay soo saaraan cunto ka badan ku filan si ay qof walba u quudiyaan (eeg warka UN SDGnews ).
  • Kaarboonka sii daaya caalamka waxa uu ka yimid Our World in Data .
  • Xogta ku saabsan codsiyada bini’aadantinimo ee Qaramada Midoobay iyo maalgelinta deeq-bixiyayaashu waxay ka yimaaddeen Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwidda Arrimaha Bani’aadamnimada Adeegga Dabagalka Maaliyadeed.