Hadal Jeedinta Xubnaha Musharixiinta Aqalka sare ee Hirshabeelle oo  ka socota Jowhar

Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamul Goboleedka Hirshabeelle waxaa si toos ah uga socota hadal jeedinta Xubnaha u tartamaya kuraasta aqalka sare ee ka imaanaya Hirshabeelle.

Goobta ay ka dhacayso hadal jeedinta Musharixiinta  u tartamaya aqalka sare ayaa waxaa ka sugan Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaasi, waxaana sidoo kale joobjog ah ah guddiga doorashooyinka Heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed.

Xubnaha tartamaya oo horay loo diiwaan galiyay ayaa waxaa Guddigu ay sheegeEn in si caddaalad ah loo soo gudbiyay Xubnaha, waxaana mas’uuliyiinta ka tirsan Guddiga oo madasha hadal jeedinta ka hadlay ay sheegen in Doorashadu ay si caddaalad ah ku dhici doonto, isla markaana ay dhankooda mas’uuliyad iska saari doonaan.

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa degaanadiisa taalla sided kursi oo aqalka sare ah, kuwaasi oo la filayo in manta doorashadoosi ka dhacdo Jowhar oo ah xarunta maamulkaasi.

Horay maamulada kale ee qaybta ka ah Dwoaldda federaalka ayay intooda badani ka dhaday Doorashada Aqalka sare, waxaana harsan oo kaliya Somaliland iyo Hirshabeelle,oo hadda doorashadi si tooas ay uga billaabatay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor