Hadal jeedinta musharaxiinta madaxweynaha oo la soo gaba-gabeeyay

Waxaa soo gaba gaboowday hadal jeedinta murashaxiinta xilka madaxweynaha 10 aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo laba maalin ah ka socotay hoolka Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha ayaa sheegay in la soo gunaanaday hadal jeedinta Musharaxiinta madaxweynaha, 39 murashaxna ay soo bandhigeen qudbadahoodi hadal jeedinta.

Geba-ganadii waxaa goobta lagu dhaariyay Murashax Sharief Sheikh Axmed oo ku soo guuleestay kursiga tirsigiisu yahay HOP#146 ee BFS oo doorashadiisa ka qabsoontay Magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Doorashada madaxweynaha ayaa laqabandoonaa 15 May oo ku beegan maalinimada Axada nagu soo aadan.

 

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor