Hadal-jeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha ee maalinta 1-aad oo soo Idlaatay

Waxaa Xarunta Teendhada Afisyooni  ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhammaatay maalinta koowaad ee hadal-jeedinta Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha 10-ad ee dowladda Federaalka Soomaaliya

20 Musharax oo Guddiga doorashada shaaciyeen shalay ayaa Maanta Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka kahor jeediyay khudbadahooda oo ay uga hadlayeen sooyaalkooda siyaasadeed iyo waxa ay qaban doonaan marka loo doorto xilka Madaxweynaha.

Musharax kasta ayaa waxaa la siiyay 15 daqiiqo oo uu kusoo bandhigayay ballanqaadkiisa siyaasadeed iyo waxa uu qaban doono, waxaana Musharaxii Maanta hadalka jeediyay ku jiray Ra’iisu’ Wasaarihii hore ee dalka, C/raxmaan C/Shakuur, Daahir Geelle iyo Musharaxiin kale.

19 kale kale Musharax ayaa berrito Xildhibaanada Baarlamaanka kahor jeedin doona khudbadahooda ku aadan sooyaalkooda siyaasadeed, waxaana Musharaxiinta berri hadalka jeedinaya ku jira Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyneyaashii hore ee dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Baarlamaanka ee doorashada Madaxwaynaha Senator Cabdiqani Geelle Maxamed  oo soo xiray kulankii hadaljeedinta Musharraxiinta Madaxwaynaha ayaa ku boorriyay Xildhibaannada in ay soo xaadiraan Maalinta berri ah si u dhagaystaan hadaljeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor