Hadal jeedinta Murashixiinta Madaxweynaha iyo M/ku xigeenka oo Jowhar ka billaaban doonta

Murashixiinta u taagan Qabashada Xilka Madaxweyne ee Maamulka Hir-shabeelle ayaa la filayaa in Maanta ay jeediyaan Khudbadahooda, waxaana ay ka hor jeedin doonaan Baarlamaanka Maamulkaasi.

Murashixiinta isku diiwan galiyay Xilalka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa la filayaa inay waxqabadkooda ka horjeediyaan Xildhibaaanada, waxaana ilaa hadda isi-soo sharraxay afar murashax oo kaliya, kuwaas oo u tartamaya jagada Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka Hir-shabeelle.

waxaana shalay la diiwan galiyay seddex Murashax, iyadoo Guddoomiyaha Guddiga Doorashada   Madaxeeynaha iyo Madaweyne Ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Xil.Caaisho Khaliif Xaji Maxamed ay Gudoonsiiyay Shahaadada Musharaxnimada Murashixiinta kala ah Cabdiraxmaan Jimcaale Cusmaan oo utartamayo Jagada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Hirshabelle, Musharax Cali Guudlawe Xuseen oo u tartamayo Jagada Madaxweynaha iyo Musharax Yuusuf Axmed Hagar oo utartamayo Jagada Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle.

Waxaa la filayaa in Berri oo Arbaco ah in la gudo galo doorashada Madxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media