Habraacii doorashada Aqalka sare ee Xubnaha Somaliland oo wax ka beddel lagu sameeyay

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed ayaa dib u sixid ku sameeyay habraacii doorashada Aqalka Sare ee xubnaha Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Qodob ka mid ah Qodobadii Habraacii shalay soo baxay ayaa is beddal lagu sameeyay,gaar ahaan qodobka labaad ee habraaca doorashada.

Waxaana lagu soo daray qodob dhigaya in   liiska xubnaha u tartamaya Aqalka Sare inay u gudbinayaan Ra’iisul Wasaaraha si uu ula hubiyo liiska si waafaqsan heshiiskii 27 May ee Madasha Wadatashiga Qaran.

Habraacii ay shalay soo saareen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed ayaa waxaa ka maqnaa doorka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble,  waxaana tan iyo markii u soobaxay Habraaca doorashada xubnaha aqalka sare ee Gobolada Waqooyi la isla dhexmarayay hadalhaynta ku aaddan ku aaddan kaalinta Rooble ee meesha ka maqan, inkastoo hadda dib u sixid lagu sameeyay.

Hoos ka akhriso War-saxaafgadeedka

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor