Habraaca soo Gudbinta dacwooyinka Doorashada Golaha Shacabka oo lasoo saaray

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada ayaa soo saaray Habraaca soo Gudbinta dacwooyinka Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal ay soo saareen Guddiga xalinta Khilaafaadka ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga ay dacwo u soo gudbi karaan oo kaliya Ergooyinka, Musharaxiinta tartamaya, Wakiilada dhaqanka iyo xubnaha Bulshada Rayidka ee loo aqoonsaday inay kamid ah yihiin Guddiga soo xulista ergada.

Guddiga ayaa sheegay in qofka Dacwo ah looga baahan yahay inuu soo gudbiyo Codsiga Dacwada oo Qoraal ah, kuna soo lifaaqo galka cabashadiisa Warqada bixinta Lacagta diiwaan-gelinta Dacwada oo dhan saddex kun oo Dollar.

Sidoo kale Guddiga ayaa caddeeyay in cabashada la xiriirta Guddiga soo xulista ergada (Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka) lagu soo gudbin karo muddo saddex maalmood gudahooda oo ka bilaabaneysa marka la shaaciyo Liiska ergada kursiga.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ay soo saareen Guddiga xalinta Khilaafaadka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor