Guudlaawe oo sheegay in Doorashada Golaha shacabka ay ku dhici doonto Cadaalad

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay doorashada soo socota ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka dhaceysa Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo la hadlaayay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ay si cadaalad ah ku dhici doonto, isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii u qabsoomi laheyd doorashada.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ballan qaaday in doorashada Golaha Shacabka ay noqon doonto mid daahfuran oo si Cadaalad ku dhacda, wuxuuna tilmaamay in waajib saaran uu yahay in loo Cadaalad falo qofka ku tartamaya doorashada.

“Dadka waxa deeqa Cadaalad aa ka jirto, maahee gacantaada waxa aad kasiiso lama kala gaartid, laakin wax la deeqsiin karo waxaa ka jirta Cadaalad waana mas’uuliyad na saaran, waxaana ballan qaadeynaa in doorashada si Cadaalad ah ku dhacdo” ayuu yiri Guudlaawe oo sheegay in si nabad ah ugu soo dhammaatay doorashadii Senatorada Aqalka Sare.

Hadalkaan ayaa waxaa uu Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe uu ka sheegay Munaasabad lagu soo dhaweeyay oo Maanta ka dhacday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kadib markii uu soo gaaray Magaalada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor