Guudlaawe oo magacaabay Guddiga qaban-qaabada Xuska sanad Guurada Hirshabeelle

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Magacaabay Guddiga qaban-qaabada Munaasabadda sanad Guurada 5-aad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa lagu magacaabay Guddigaan qaban-qaabada oo ka kooban 15-xubnood, kuwaasi oo Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle.

Guddiga la magacaabay ayaa ka shaqeyn doona Munaasabadda sanad Guurada 5-aad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo maalmaha soo socda ka dhaceysa Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ahna Caasimadda Maamulkaas.

Munaasabadda ayaa waxaa la filayaa inay ka qeyb galaan Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, wufuud kala duwan iyo marti sharaf kale oo Hirshabeelle ku casuunto Munaasabadda dhaceysa.

Hoos ka Akhriso Magacyada Guddiga uu magacaabay Guudlaawe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor