Gurmad ka socda dalal ka tirsan Yurub oo gaaray Kanaalka Suweys

Doonyo Gurmad xoojin ah ayaa soo gaaray Kanaalka Suweys, halkaasi oo ay ka socoto Hawlgal lagu doonayo in lagu soo jiido Markabka weyn ee MV Ever Green, oo si gudub ah ugu xaniban Marinkaasi.

Markabkaasi oo ah 400 mitir waxa uu sababay inaysan Maraakiibta kale mari Karin Kanaalkaasi, iyadoo ay 400 Markab ay haatan ku xayiran yihiin labada dacal ee Kanaalka.

Warar Yididiilo leh ayaa soo baxay, iyadoo ay 2 Dooni oo dheeraad ah nooca wax jiita ee Tugboats ay ku soo wajahan yihiin Kanaalka Suweys, si ay ugu biiraan dadaalka loogu jiro in Markabka Kontaynarka ee baaxadda leh looga jiidi lahaa Kanaalka uu xayiray.

Dooni wadata Calanka Talyaaniga, laguna magacaabo Carlo Magno iyo Dooni kale oo Calanka Dutch (Netherlands) ka dul babanayo, laguna magacaabo Anchor Handling Vessel   (Alp Guard) ayaa la rumeysan yahay inay soo gaareen meel ku dhow magaalladda Suweys ee ku taalla afka Koonfureed ee Kanaalka Suweys.

Labdaa dooni waxaa la sheegay inay si wadajir ah u leeyihiin Awood jiidis oo dhan ku-dhawaad 500 oo Tan.  Doonida Anchor Handling Vessel  (Alp Guard) waxaa la dhisay sanadkii 2009-kii, halka doonida kale ee Carlo Magno la dhisay sanadkii 2006-dii.

Sida ay muujinayso Xogta Websaytka lagala socdo dhaqdhaqaaqyadda Maraakiibta ee MarineTraffic.com waxay Labadaas dooni ay Waaberigii hore ee saakayto soo gaareen Badda Cas, meel ku dhow magaalladda Suweys ee dalka Masar.

W/Q: Ustaad Nuuradiin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor