Gudoomiyeyaasha Arrimaha Bulshada ee Degmooyinka G/Banaadir oo Farriin adag loo diray

Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyi gelinta Maamulka Gobolka Banadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) ayaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kula shirtay Gudoomiye Kuxigeenada Arrimaha Bulshada ee 17ka Degmo kulankan oo looga hadlay Howlaha Arrimaha Bulshada ee Degmooyinka ka socda iyo Caqabadaha heysta.

Shirka waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Mudane Maxamed Axmed (Cantoobo)

Inta badan shirka waxaa diirada lagu saaray Xaalada Nadafada Degmoyinka kawarqabka degaanka iyo Bii’ada iyo u diyaar garowga Ciyaarta Finalaha ee maanta dhaceya

Gudoomiye Basma ayaa fartay Gudoomiyeyaasha Arrimaha Bulshada ee Degmooyinka in Howl walba oo Arrimo Bulsho ah uu la socdo Xafiiskeda sidoo kalena waxa ay carabka ku adkeesay in Hay’ad waliba oo NGO Local ama International ah uu Xafiiska Arrimaha Bulshada ee G.Banadir lasoo xariiro.