Guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland oo ka hadlay Xildhibaan dhaawac loo geystay

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Saciid Mire Giirre ayaa ka hadlay fal dhaawac ah oo saakay Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland loogu geystay Magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa.

Guddoomiye Saciid Mire Giirre oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay inuu ka xun yahay falka dhaawaca ee Odey lagu magacaabo Suldaan Saleebaan Habaar uu u geystay Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje, kadib markii uu dhex maray muran gacan ka hadal ah.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ku baaqay in lasoo qabto Suldaan Saleebaan oo gacanta ula tegay Xildhibaan Axmed Nuur, isla markaana sharciga la horgeeyo, maadaama uu dhaawac geystay.

Falka uu geystay Suldaan Saleebaan ayuu tilmaamay inuu yahay mid laga xumaado, isla markaana uu dhibaateeyay Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo xanaanad leh, isagoona Cambaareeyay wixii dhacay.

“Mar haddii gacan kahal dhaco oo qof waxyeelo gaarsiiyo qof kale, wuxuu sharciga qabaa qofka lasoo qabto, waana in lasoo qabtaa oo sharciga la horkeenaa ninkii dhibaatada gaarsiiyay Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje” ayuu yiri Siciid Mire Giirre.

Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa dhaawac uu kasoo gaaray Madaxa oo dhagax uu ugu dhuftay Suldaan Saleebaan Habaar, kadib markii uu soo kala dhexgalay muran kooban.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor