Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta oo sabti ah kulankii 13-aad ee kal-fadhiga 49-aad ku yeelanaya Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulka.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay dood ku aadan wax-ka beddelka xeerka Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha Puntland, waxaana xeerkaan Akhrin labaad ku sameeyay Guddiga hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in inta uu socdo kulanka Maanta Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka ay Mooshin ka dhan ah Heshiiska Shirkadda DP World ee dekedda Boosaaso u gudbin doonaan Guddoonka Baarlamaanka Puntland.
Mooshinka ayaa la gudbinayaa marka la gaaro Qodobka uu ajandaha kaga jiro Heshiiska DP World, in kastoo ay jiraan Qodobo ka horreeya, iyadoona la tilmaamay inay sii badanayaan Xildhibaanada doonaya in Mooshinka la gudbiyo.
In ka badan 40 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland, ayaa doonaya in mooshin lagu buriyo Heshiiska DP World ee dekedda Boosaaso, si meesha looga saaro looga saaro Heshiiska P&O ee Dekadda Magaalada Boosaaso.
Shirkadda P&O (DP World) ayaa heshiis kula wareegtay dekedda Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, sannadkii 2017 xilligaas oo ay sheegtay in ay mudda laba sano ah ku dhisi doonto, balse weli wax shaqo ah kama qaban.