Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan oo Caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa fiidnimadii Caawa xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Ibraahim Macow, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in rag dhalinyaro oo watay Bastoolad ay toogasho ku dileen Cabdiraxmaan Ibraahim, xili uu kasoo baxay Masaajid uu kusoo tukaday Salaadii Ceshaha ee Caawa, isagoo u dhintay rasaas lagu furay.

Dableydii dishay Guddoomiyihii hore ee Hiiraan ayaa durbo goobta ka baxsatay, isla markaana waxaa sida caadada aheyd halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo qaaday Meydka Marxuum Macow.

Allaha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle ayaa muddooyinkii u dambeysay daganaa degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho oo ay Caawa kooxo ku hubeysnaa Bastoolad ku dileen.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii dambe kusoo badatay falalka amni darro, waxaana maalmo kahor gudaha degmada Yaaqshiid lagu dilay Nabaddoon caan  ahaa, sidoo kalena Caasimadda ay ka dhacayeen qaraxyo khasaaro kala duwan dhaliyey…

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor