Guddoomiyihii hore ee Barlamaanka Tunisia oo mar kale laga helay COVID 19

Guddoomiyihii Barlamaanka dalkaasi ee xilka laga qaaday, Rashiid Januuji ayaa dib loogu celiyey Isbitaalka, kadib, markii hal maalin ka hor laga soo saaray Isbitaalka.

Rashiid Januuji oo Hoggaamiye ka ah Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee Alnahda waxaa haatan lagu daaweynayaa Isbitaalka Milliteri ee magaalladda Tuunis, sida uu sheegay Xoghayaha Warfaafinta ee Barlamaanka dalkaasi, Wasiim Qadirow.

Xaalladiisa Caafimaad ayaa ka sii dartay, iyadoo muddo hal Isbuuc ah laga daaweynayey Infekshinka Coronavirus oo horey looga helay bishii la soo dhaafay ee July 13-dii.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor