Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka Puntland oo is Casilay iyo sababta keentay

Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Maamulka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa ku dhawaaqay inuu xilkii uu haayay iska Casilay, sida uu ku xaqiijiyay Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee uu ku leeyahay Facebook.

Guuleed Saalax ayaa waxaa uu sheegay in Warqadiisa Is-casilaada ah uu u gudbiyey xubnaha Guddiga KMG doorashooyinka Puntland iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka, wuxuuna sheegay inuu qorsheynayey inuu kasii mid ahaado Guddiga doorashada, balse uu go’aan ku gaaray inuu xilka iska Casilo.

Sababta uu shaqada ugu tegay Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Maamulka Puntland ayuu ku sheegay inay tahay duruurfo ka horyimid dartood, isagoona go’aansaday inuu xilka Guddoomiyenimo iska Casilo ee uu haayay muddo 2 sano iyo bar ah.

Guuleed Saalax Barre ayaa u mahadceliyay cid walba oo gacan qabad iyo taageero siisay Hay’adda Doorashooyinka, wuxuuna sigaar ah ugu mahadceliyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo dhamaan masuuliyiinta Maamulka, ururada siyaasadda, ururada bulshada, dadweynaha iyo saaxiibada Beesha Caalamka.

“Bulshada reer Puntland oo aan aragnay sida ay ugu baahiqabaan nidaam dawladnimo oo ku yimaada doorasho dadweyne oo  xalaal ah, waxaan ku kalsoonahay in dawlad iyo dadweynaba aan hayaanka iyo tubta cagta la saaray marna aan laga noqondoonin” ayuu yiri Guuleed Saalax.

Wuxuu Qoraalkiisa Guuleed kusoo gaba-gabeeyay ”Muddadii aan hogaaminayay Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland wixii wanaagsanaa ee na qabsoomay mahaddeeda ALLE ayaa iska leh, ka sokow xubnihii iyo shaqaalihii Guddiga ee muujiyay hawlkarnimo, daacadnimo iyo iskuduubni. Wixii farsamo ahaan naga qaldamay muddadaas masuuliyaddeeda aniga ayaa qaadaya cudurdaar iyo raaligelina  kasiinaya dadweynaha reer Puntland”…

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor