Guddoomiye Shuute oo soo saaray Digniin culus, kadib heshiiskii lagu gaaray Cadale

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sidda Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo saaray Digniin ku socota Odayaasha dhaqanka, ganacsatada cid kasta oo isku dayda inay isku dirto beelaha ku dagaalama Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Guddoomiye Shuute oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu u sheegay in degmada Cadale ay u tageen sidii loo joojin lahaa dagaal beeleedyada khasaaraha geysta ee kusoo noq-noqday deegaano hoostega degmadaas ee dhexmara beelo walaalo ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in deegaanadii lagu dagaalamay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka howlgeli doonaan Ciidamo gaar ah iyo xeer ilaaliye ka socda garsoorka ciidamada, isla markaana cid kasta oo isku dayda inay dagaal abuurto laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Wuxuu intaas hadalkiisa kusii daray Guddoomiye Xasan Cali Nuur Shuute in qofkii dambe ee qof dila halkiisa lagu dili doono, isla markaana qofkii aan dil muteysana lagu xukumi doono xabsi dheer, isagoona tilmaamay in qof kasta oo isku dirta beelaha si deg deg ah tallaabo looga qaadi doono.

Heshiiskii ay gaareen beelihii dagaalamay ee habeen ka hor lagu kala saxiixday Cadale ayuu sheegay Shuute inuu yahay mid aad u fiican oo lagu kala nabad gelaayo, isagoo cadeeyey in garsoonka ciidamada ay ka go’antahay in heshiiskaas la dhaqan geliyo.

Si kastaba dagaal beeleedyo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay deegaano hoostega degmadab Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana Colaadas ugu danbeyn habeeno kahor laga gaaray heshiis.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor