Guddoomiye Shuute oo Digniin Culus u diray laamaha amniga Dowladda

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuute ayaa Digniin kama dambeys ah u diray Saraakiisha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka iyo kuwa NISA.

Guddoomiye Shuute oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Booliska looga baahan yahay sugida amniga Caasimadda, ayna la kaashadan kuwa Hay’adda nabadsugida, si loo yeesho wadashaqeyn.

Guddoomiye Shuute ayaa Saraakiisha Ciidanka Booliska iyo NISA uga digay inay dhexdooda ay dagaalamayan, isagoo sheegay in arrintaas lid ku tahay howlaha sugida amniga, wuxuuna tilmaamay in isku dhacyo Ciidanka dhexdooda aan la aqbali doonin.

Waxaa uu sheegay Shuute in dagaalada dhexmara Ciidamada ay Maxkamad ku muteysan doonaan Saraakiisha Ciidankaas, sidoo kalena la xirayo dhammaan Ciidanka isku dhacay iyo Saraakiishooda.

Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada ayaa carabka ku dhuftay in marnaba aan la aqali doonin in Ciidanka dowladda dhexdood ay gurmad kala duwan isku dalbadan, markii Askari iyo Askari kale aan ka tirsaneyn Ciidankiisa uu fal dil ah u geysto.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa sheegay in hadii Askari ka tirsan Ciidanka Booliska ama kuwa NISA ay fal dembi ah geystaan Saraakiisha looga baahan  yahay in Askarigaas ku xiraan Saldhiga degmada uu falka ka geystay.

Digniintaan uu diray Guddoomiyaha Shuute ayaa kusoo aadeysa, iyadoo mararka qaarkood Ciidanka Booliska dowladda iyo kuwa NISA gaar ahaan dharcada ay Israsaaseyn geysata khasaaro dhimasho iyo dhaawac ay ku dhexmarto Magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media