Guddoomiye Shuute oo Ciidamada uga digay inay ku milmaan Doorashooyinka

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle dhexe Xasan Cali Nuur Shuute oo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa Maanta soo saaray Digniin ku socota Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Federaalka.

Guddoomiye Shuute ayaa waxaa uu Ciidamada kala duwan ee dowladda sida Milateriga, Booliska iyo kuwa Nabadsugida uga digay inay ku milmaan Arrimaha siyaasadda dalka gaar ahaan doorashooyinka ka bilowday Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda in xeer ilaalinta Maxkamadda faray inay Gal-dacwadeed kasoo gudbiyaan Askari ama Sarkaalkii lagu helo inuu ku milmay Arrimaha doorashooyinka, isla markaana uusan ka sii mid ahaan doonin Ciidamada.

Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle dhexe Xasan Cali Nuur Shuute ayaa tilmaamay in muhiim ay tahay in Ciidamada isku ixtiraaman kala sareynta darajada, ayna iska maqlaan amarada.

Halkaan Guddoomiye Shuute waxaa uu ka sheegay kulan uu kula hadlaayay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan Magaalada Baydhabo, waxaana Digniinta loo diray Ciidamada ay kusoo aaday, iyada oo dalka ay ka bilaabatay doorashada 2021.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor