Guddoomiye Sh. Aadan Madoobe oo shaaciyay inay sharci yihiin Xildhibaanada Ceelwaaq

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Go’aan ka gaaray khilaafka ka jiray Xildhibaanada Golaha Shacabka ee lagu soo doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarey.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa marka hore lagu sheegay in Xildhibaanada lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ay habraaca doorashada mariyeen Guddiga doorashooyinka heer Federaal, isla markaana doorashadoodu qabteen Guddiga doorashada Jubbaland.

Warka ayaa waxaa lagu caddeeyay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ee sheegaya in lagu soo doortay Magaalada Garbahaarey aanay heysan shahaadadii Guddiga hirgelinta doorashada dadban ee heer Federaal, ayna doorashadoodu qaban Guddiga Jubbaland.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaciyay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ee lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ay yihiin kuwo sharci ahaan ku matalaya Gobolka Gedo Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa xusay in doorashada Xildhibaanada Ceelwaaq uu taageeray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna Guddoomiyaha dadka isku haaya siyaasadda Gobolka Gedo ugu baaqay inay arrintooda ku dhammeeyaan wadahadal.

Hoos ka Akhriso Warka uu soo saaray Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor