Guddoomiye Najax “Cid kasta oo dhibaato ka geysatay degmada Wanlaweyn waa lasoo qabanaa”

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo ka hadlayay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa digniin u diray shakhsiyadka hubeysan eek a dambeeyay dagaal beeledyadii ka dhacay degmadaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in dadkii dhibaatada ka geystay Wanlaweyn in ay sii joogaan iyada oo dhacdooyinka dhacay ay ka mid aheyd Goowrac,Hanti la gubay in meyd dab la qabadsiiyay.

Dhinaca kalan waxa uu tilmaamay in ay jiraan dad ka cararay degmada hase’ahaatee gacanta lagu soo dhigi doono si caddaaladda loo waa fajiyo,isaga oo tilmaamay in saraakiisha ciidamada ee degmadu ay ka gudanayaan waajibaadkooda maxkamadna lasoo taagi doono dadkaas.

Dhawaan ayay aheyd markii degmada Wanalaweyn ay ka dhaceen dagaal beeledyo khasaaro geystay iyada oo lagasoo weriyay dhacdooyinkii ugu xuma degmada oo ay ka mid aheyd Meyd la gubay dad caruur ay ku jiraan oo la Gowowracay iyo guryo dab la qabadsiiyay in kasta oo xaaladu ay hadda degantahay.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media