Guddoomiye Mursal oo kulan la yeeshay Guddiga xaqiijinta qoondada Haweenka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga xaqiijinta qoondada Haweenka ee Golayaasha Baarlamaanka Federaalka.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa warbixin ka dhageystay xubnaha Guddiga xaqiijinta qoondada Haweenka oo ay hoggaamineysay Batuulo Sheekh Axmed Gabale oo ah guddoomiyaha Guddiga.

Sidoo kale Guddiga ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ka hadlay sidii loo heli lahaa qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada Aqal ee Baarlamaanka, isla markaana la xaqiijiyo qoonada Dumarka.

Ugu dambey Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan oo ay hayaan guddiga, sidoo kale waxa uu ku biiriyay talooyin ku saabsan sida lagu xaqiijin karo qoondada haweenka Soomaaliyeed.

Kulankaan dhacay ayaa waxaa ka qeyb gashay  Wasiirka Haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor