Guddoomiye Mahad Cawad oo Baaq Deg-deg u diray DF iyo Galmudug  

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdala Cawad ayaa ka hadlay daadad xoogan oo ku rogmaday deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, kuwaasi oo ka dhashay roobab ka da’ay halkaas.

Guddoomiye Mahad Cawad ayaa waxaa uu sheegay in Bacaadweyne ay ka jirto xaalado adag oo xagga nolosha ah, isla markaana dadka halkaas ku dhaqan ay saameeyeen daadadka ku rogmaday ayna burburiyeen guryo badan iyo Bakhaaro.

Guddoomiye Mahad Cawad ayaa dowladda Federaalka, Hay’addaha gargaarka iyo dowlad Goboleedka Galmudug ugu baaqay inay Gurmad deg deg ah ay la gaaraan dadka shacabka ee dhibaatada ay ku heysto Bacaadweyne.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay Cawad in qof kasta oo wax heysta looga baahan yahay inuu caawiyo dadka ay sameeyeen daadadkii ka dhashay roobabka mahiigaan ah ee ka da’ay Gobolka Mudug, maadaama lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Walaac xooggan ayaa  ka soo yeeraya bulshada Bacaadweyne , taasoo la xariirta dhanka roob xooggan oo halkaa ka da’ay wali wax ka badan 500 oo qoys ayaa banaanka ka jooga deegaanka kaddib saamayn ka dhalatay roobkaas oo guriyihii qaar dumiyay halka inta hartayna biyo  buux dhaafsheen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media