Guddoomiye Madaale oo Digniin u diray Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir

Guddoomiya gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir gudoomiyay shirka degmooyinka gobolka Banaadir, oo looga hadlay horumarinta Daqliga, Amniga, Nadaafada iyo Taakuleenta Barakacayaasha.

Kulankan oo ujeedkiisu ahaa islaxisaabtan, ayaa Duqa Magaalada Muqdisho Sheikh Yuusuf Madaale ayaa mid mid warbixin ku saabsan soo xareenta daqliga, iyo caqabadaha jira ka dhageestay guddoomiyaasha degmooyinka, iyo agaasimayaasha Daqliga gobolka Banaadir.

Guddoomiya gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) waxa uu sheegay in lala xisaabtami doono mas’uulkii lagu helo musuq-maasuq iyo wax isdabarin.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolkaan Banaadir iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka, waxaana Guddoomiyeyaasha la faray inau dardar-geliyaan howlaha shaqo ee muhiimka ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor