Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Jubbaland oo Gurigiisa Bom-gacmeed lagu weeraray

Wararka aan Caawa ka helayno  Gobolka Jubbada Hoose ee Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa ku warramaya in Caawa Bom-gacmeed lagu weeraray Guri uu daggan yahay Mas’uul ka tirsan Maamulkaasi Jubbaland.

Guddoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Jubbaland  Cabdi Baaleey ayaa la sheegay in Caawa Koox hubeysan ay Bomgacmeed ku weerareen, waxaana ka dhashay Khasaare kala duwan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Guddoomiye ku xigeenku uu ka bad-baaday weerarkaas Bom-gacmeed ahaa, basle warar ayaa sheegaya in ay ku dhaawacmeed seddex ruux oo ka tirsan Qoyska  Cabdi Baaleey.

Kooxdii weerarka fulisay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen, waxana socda howlgallo lagu baadi goobayo dadkii falkaasi ka dambeeyay, waxaana hadda lasoo sheegayaa in guddoomiye ku xigeenka aysan waxba soo gaarin.

Deegaanada Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka dhaca weerarada loo gaysto mas’uuliyiinta ka tirsan Maamulkaasi Jubbaland, waxaana Xalay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo lagu weeray Mas’uul ka tirsan maamulkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media