Guddoomiye Gobol ka tirsan Somaliland oo u geeriyooday COVID-19

Waxaa xalay Isbitaal ku yaalla Magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku geeriyooday Guddoomiyihii Gobolka Togdheer ee Somaliland Xamse Maxamed Cabdi oo shalay xaalad Caafimaad loogu qaaday dalkaas.

Guddoomiye Xamse Maxamed ayaa waxaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayay Gobolka Togdheer, hayeeshee labadii maalin ee lasoo dhaafay uu sii darsaday xanuunkii haayay, iyadoo markii dambe loo qaaday Turkiga oo ugu dambeyn uu ku geeriyooday.

Geerida Xamse Maxamed ayaa waxaa xaqiijiyay Xildhibaano ka tirsan Golaha deegaanka Magaalada Burco iyo xubno kale oo ka tirsan Somaliland, iyagoona tacsi u diray qoyska, Eheladii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumka.

Wararka qaarkood ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Guddoomiyihii Gobolka Togdheer uu muddooyinkii dambe la xanuunsanayay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo dabayaaqadii Bishii barakeysneyd ee Ramadaan laga helay Cudurka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media